Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qarax khasaare gaystay oo ka dhacay Muqdisho


Ilaa shan qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdishu sida ay sheegeen shaqaalaha adeegga gurmadka degdegga ah ee ambalaasyada.

Qaraxan ayaa ka dhacay nawaaxiga isgoyska Banaadir, waxaana warbaahinta dawladdu sheegtay in qaraxaasi lala beegsaday baabuur uu la socday sarkaal ka tirsan laamaha amniga.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku jiraan kuwo rayid ah. Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarkan.

XS
SM
MD
LG