Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidanka Booliska oo faahfaahin ka bixiyey qaraxii ka dhacay Xeebta Liido


Muqdisho
Muqdisho

MUQDISHU - Afhayeenka Ciidanka Booliska ee Soomaaliya Cabdifataax Aadan Xasan ayaa warbaahinta u sheegay in qof isku soo xidhay walxaha qarxa inuu isku qarxiyey waddada dheer ee Liido ee magaalada Muqdisho, saacaddu markay ahayd 8:40 fiidnimo, xilli ay ku beegnayd wakhtiyada loo diyaargaroobo cashada.

"Caawa abbaaro laba saac iyo badh (8:40 fiidnimo) waxaa shakhsi naftii hallige ah oo isku soo xidhay walxaha qarxa uu isku qarxiyey wadada dheer ee Liido, xilli afurkii ay ahayd, bulshada Soomaaliyeedna ay u diyaar-garoobaysay cashada, halkaas waxaa ku waxyeelloobay bulsho rayid ah oo ku ganacsanaysay agagaarka waddada Liido. Waxaa goobtaas ku dhaawacmay illaa 8 qof waxaana ku dhintay illaa 3 qof oo ay ku jiraan xubno ka tirsan ciidanka ammaanku" ayuu yidhi afhayeenka ciidanka boolisku.

Afhayeenka ayaa intaas sii raaciyey in haatan ay goobtu ammaan tahay oo aanay jirin wax dhibaato ah oo ka taagan, isla markaana ay ciidamada ammaanku gacanta ku hayaan amniga goobta.

Hase ahaatee adeegga gurmadka degdegga ah ee Ambalaasyada ayaa sheegay in dhimashadu ay gaadhayso illaa lix qof halka dhaawacuna uu yahay illaa toddoba qof oo kale.

Goobta qaraxu ka dhacay waxaa ku sugnaa xildhibaano iyo masuuliyiin kale oo dawladda ka tirsan oo uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliska ee Soomaaliya, hase ahaatee afhayeenka Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Ibraahin Macalimu ayaa sheegay inaanay jirin wax dhibaato ah oo taliya ka soo gaadhay weerarkas isla markaana uu bedqabo.

XS
SM
MD
LG