Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Madaxa Shirkadda Coastline Exploration ee heshiiska la gashay Soomaaliya


Richard Anderson, Madaxa Shirkadda Coastline Exploration
Richard Anderson, Madaxa Shirkadda Coastline Exploration

Idaacadda VOA waxay waraysi khaas ah la yeelatay madaxa shirkadda Coastline Exploration Richard Anderson oo heshiis la galay Wasiirka Wasaaradda Batroolka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed 15-kii bishii Febraayo ee 2022.

Heshiiskaas waxaa waxba kama jiraan ku tilmaamay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble, iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda oo qoraal ay u qortay shirkadda ku sheegtay inuu yahay waxba kama jiraan.

Waraysiga aan la yeelanay Richard Anderson oo ku dhacay luuqadda Ingiriiska ayuu kaga hadlay sida ay u arkaan go’aanka ay heshiiskaas ku diideen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasaaradda Arrimaha Dibedda.

Waxaa sidoo kale aan wax ka weydiinayay saami qaybsiga shidaalka, kuwa ay yihiin saamilayada shidaalka iyo in dad Soomaali ah ay wax ku leeyihiin shirkadda.

Hoos ka dhagayso waraysiga oo dhammaystiran.

Wareysi: Madaxa Shirkadda Coastline Exploration ee heshiiska la gashay Soomaaliya
please wait

No media source currently available

0:00 0:37:42 0:00

XS
SM
MD
LG