Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laascaanood: Abaaraha oo saameyn ku yeeshay suuqa caanaha


Abaaraha ka jira geeska Africa, si gaar ah Soomaaliya noqday kuwa soo laalaabtay, kuwaasi oo uga sii daraya xaaladda bani’aadanimo ee jirta. QM ayaa dhowaan sheegtay in dad ku dhow 7.7 milyan oo qof ay u baahan yihiin gargaar bani’aadanimo iyadoo laga yaabo in tiradaasi ay kororto.

Abaaraha ka jira deegaannada miiga ah ayaa saameyn ku yeeshay nolosha magaalooyinka. Magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ayaa la soo sheegayaa in abaarta gobolka ka jirta ay si gaar ah u saameysay suuqa caanaha ee Laascaanood, xilli lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadan. Wariyaha VOAda Cabdikariim Olol oo suuqaasi tagay ayaa warbixintan nooga soo diray Laascaanood.

Warbixin: Qiimaha caanaha iyo xiliga abaaraha ee Laascaanood
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:53 0:00

XS
SM
MD
LG