Markii ugu horreysay waxaa maanta fadhiyo ku yeeshay magaalada Muqdisho xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamanka Soomaaliya.
Mudaneyaasha ayaa si kala gaar ah uga hadlayay sidii loo dar-dar-gelin lahaa doorashooyinka, gaar ahaan ka arrinsiga doorashooyinka guddoonka labada aqal.
Aqalka Sare ayaa soo saaray guddi lix xubnood ka kooban oo ka shaqeeya qaabanqaabada doorashada guddoonka Aqalka Sare, si la mid ah, Aqalka Hoose ayaa soo saaray guddi 10 xubnood ah oo ka shaqeeya doorashada gudoonka Golaha Shacabka.
Xildhibaannada qaar ayaa waxay sheegeen in dalka oo maraya marxalad xasaasi ah oo loo baahan yahay in doorashada gudddoonka la dedejiyo, sida uu warkaan Muqdisho uga soo diray weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.