Guddoomiyaha KMG ah ee baarlamaanka 11-aad Cabdisalaan Axmed Liibaan (Dhabancad) ayaa magacaabay guddiga qabashada doorashada guddoonka Golaha Shacabka.
Guddigan ayaa la magacaabay ka dib markii xubnaha baarlamaanka cusub ay maanta yeesheen kulankoodii u horreeyay.
Xubnaha guddiga qabanqaabada doorashada ayaa waxa ay ka kooban yihiin 10 xubnood.
- Xil. Xuseen Maxamed Nuur
- Xil. Cabdirisaaq Cumar Maxamed
- Xil. Nasra Mahdi Caraale
- Xil. Maxamed Xuseen Haadi
- Xil. Dahabo Suusow Maxamuud
- Xil.Cumar Shariif Jeeg
- Qaasim Cilmi Seed
- Xil. Cabdullaahi Xassan Rooble
- Xil.Cali Sh. Maxamed Nuur
- Maxamed Abuukar Cabdi
Baarlamaanka cusub ee 11-aad ayaa looga fadhiyaa in uu qabto doorashada guddoonka labada aqal, ka dibna uu fadhi guud oo wadajir ah ku doorto madaxweynaha xiga ee Soomaaliya ee dalka ka talin doona afarta sano ee soo socota.