Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxa WFP: Mariupol macluul ayaa ka jirta


Madaxa Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee QM, David Beasley ayaa sheegay in “dadku ay gaajo u dhimanayaan” magaalada hareeraysan ee Mariupol ee dalka Ukraine. Beasley ayaa saadaaliyey in dhibaatada bani’aadaminimo ay u egtahay inay ka sii darto, iyada oo Ruushku uu sii xoojinyao weerarada uu magaalada ku hayo toddobaadyada soo socda.

Isu duwaha WFP ayaa sidoo kale ka digay, xilli uu Khamiistii wareysi siinayey wakaaladda wararka ee Associated Press, isaga oo ku sugan magaalada Kyiv, in duullaanka uu Ruushku ku qaaday dalka Ukraine, dalkaas oo dalagyada dhoofiya, uu keeni karo deganaan la’aan ka dhalata dalkaas iyo in mowjado muhaajiriin ah oo nolol wanaagsan raadsanayaa ay dalkaas ka baxaan.

Waxa uu yiri dagaalkan oo billowday 24kii bisha February ayaa “baabi’iyey dadka reer Ukraine.” Waxa uu si si murugo leh u sharxay in WFP iyo hay’adaha kale ee gargaarku ayna galaangal u lahayn si ay u gaaraan dadka baahida qaba ee uu dagaalku ku socdo.

Waxa uu yiri “Ma arko in taasi ay fududaanayso. Ma arko in hadda taasi dhacayso.”

Xaaladda aan deganeyn ee dagaalka, kaas oo hadda ka wareegay goobihii caasimadda u dhawaa, una wareegay dhinaca bari, ayaa sii adkeeyey in la gaaro dadka gaajeysan ee reer Ukraine.

XS
SM
MD
LG