Ugu yaraan saddex askari ayaa ku dhaawacantay shaqaaqo maanta ka dhacday xabsiga weyn ee magaalada Hargeysa. Rag ka tirsan maxaabiista ku xiran qeybta A, oo ay ku jiraan maxaabiis u xiran dambiyada waaweyn oo ay ku jiraan kuwa u xiran argagixisanimada, ayaa dhagxaan ku weeraray ilaalada xabsiga.
Intii ay shaqaaqadu socotay ayaa boolisku ay soo xireen qaar ka mid ah wariyeyaasha ka howl gala magaalada oo halkaa u tagay soo tabinta dhacdadaas.
Wariyaha VOA-da Khadar Maxamed Cakulle ayaa warbixintan soo diray.