Khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya ma saameyn oo kaliya doorashada, ammaanka, dhaqaalaha iyo yididiiladii shacabku ay ka qabeen dowladnimo horey u dhaqaaqda balse wuxuu sidoo kale saameeynayaa mashruuc muhiim u ah Soomaaliya oo ay hey’adda IMF-ta.
Mashaariicdaas ayaa isugu jira kuwa IMF ku ku taageerto mushaarka ciidanka iyo adeegyo kale oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya. Waxaa kaloo ay saameyneysaa barnaamijkii deyn cafinta oo dhacay bisha May ee soo socota haddii ka hor aan doorashadu soo gabagaboobin
Waxaa arrintan ku faaqideynaa Barnaamijka Bandhigga. Waxaa inoo soo diyaarisay halkanna ka soo jeedineysa Falastiin Axmed Iimaan.