Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Khasaaraha Baaxadda leh ee ka Dhashay Dabkii Suuqa Waaheen


Waaheen
Waaheen

Ugu yaraan 28 qof ayaa dhaawacyo kala duwani ka soo gaareen dabkii xalay ka kacay suuqa Waaheen ee bartamaha magalada Hargeysa. Boqolaal ganacsi iyo dhismooyin ayaa sidoo kale ku bas beelay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in ay lacag dhan hal milyan oo doollar oo gurmad ah ay xukumaddiisu bixisay si ay gacan uga gaysato ka soo kabashada dhibatada dabku sababay.

Warkan waxaa Hargeysa ka soo diray Khadar Maxamed Cakule.

Wararkii ugu danbeeyay ee khasaaraha dabkii suuqa Waaheen
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:14 0:00

Dhinaca kale, wafdi ka socda dowladda Ethiopia oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda ee dalkaasi, Axmed Shide, ayaa gaaray Hargeysa, iyagoo la kulmay mas'uuliyiinta Somaliland.

Wasiirka oo wariyeyaasha la hadlay ayaa sheegay in ujeedkoodu yahay in ay khasaaraha wax ka ogaadaan, ayna qeyb ka noqdaan gurmadka.

Wasiirka maaliyadda Ethiopia oo ka hadlay dabka suuqa Hargeysa
please wait

No media source currently available

0:00 0:01:12 0:00

XS
SM
MD
LG