Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Isku aadka Koobka Adduunka oo la shaaciyay


SOCCER-WORLDCUP/
SOCCER-WORLDCUP/

Waxaa caawa fiidki magaalada Doha ee caasimadda dalka Qatar, looga dhawaaqay Isku-aadka Ciyaaraha Koobka Adduunka ee sannadkaan 2022-ka. 29 ka mid ah 32-ka waddan ee ka qeybgali doona ciyaarahan oo lagu marti gelin doono dalka Qatar, ayaa diyaar ahaa, halka saddex harsan ay bartamaha sannadkaan dheeli doonaan ciyaaro kala sooc ah.

Dalalkaasi waxay kala yihiin UAE/Australia/Peru oo is wada arkaya, midkood ayaa soo bixi doonaa, sidaasi si la mid ah waxaa is arkaya Wales/Scotland/Ukraine iyo Costa Rica/New Zealand oo iyana mid laga doonayo.

Xulalka ayaa isugu aaday sidaan:

Group A: Qatar, Ecuador, Senegal, Netherlands
Group B: England, Iran, USA, Wales/Scotland/Ukraine
Group C: Argentina, Saudi Arabia, Mexico, Poland
Group D: France, UAE/Australia/Peru, Denmark, Tunisia
Group E: Spain, Costa Rica/New Zealand, Germany, Japan
Group F: Belgium, Canada, Morocco, Croatia
Group G: Brazil, Serbia, Switzerland, Cameroon
Group H: Portugal, Ghana, Uruguay, South Korea.

Koobka Adduunka, ayaa billaaban doona, 21-ka November, waxana lasoo gaba gabeyn doonaa 18-ka December ee sannadkaan 2022-ka,

haddii uu ALLAH raalli ka noqdo.

XS
SM
MD
LG