Berri oo Sabti ah ayay inta badan Muslimiinta Caalamka billaabi doonaan maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadan, ee sanadkaan 2022-ka.
Dalalka Sacuudiga, Qatar, Masar, inta badan Bariga Dhexe, Africa iyo Dowladaha kale ee aanan Carabta aheyn ee Dunida Muslimka ayaa iclaamiyay in berri ay koow tahay bisha Ramadan.
Sidoo kale, Muslimiinta ku nool Waqooyiga America, Yurub iyo Australia ayaa iyaguna ay berri u tahay maalinta 1-aad ee Ramadan.
Dhammaan, dhageystayaasheenna, daawadayaasheenna iyo aqristayaasheenna, waxaanu leenahay Soon Wanaagsan