Barnaamijka Bandhigga VOA waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay diyaar-garowga bisha Ramadaan ee foodda inagu soo haysa iyo duruufaha ku hareereysan ee ka jira Soomaaliya, sida abaaraha, sicir bararka, doorashooyinka iyo xaaladaha amni ee ay wajahayaan dadka ku nool Soomaaliya Ramadaanta sanadkan. Sahra Ciidle Nuur ayaa inoo soo jeedineysa.