Dowladda Mareykanka ayaa ballaarisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu soo rogay xayiraadaha fiisaha, kuwaas oo lagu eedeeyay wiiqista hannaanka dimuqraadiyadda Soomaaliya, sida uu ku dhawaaqay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Antony Blinken Arbacadii shalay.
Tallaabadan ayaa timid kadib markii uu mar kale dib u dhac ku yimid dhameystirka doorashada Golaha Shacabka, iyadoo dhinaca kale Maraykanku aanu weli shaacin magacyada shakhsiyaadka la cunaqabateeyey.
Wariyaha VOA-da Cabdulqaadir Samakaab ayaa soo koobaya warsaxaafadeedka wasaaradda arrimaha dibadda.