Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muxuu Muuse Biixi uga hadlay khudbaddii uu ka jeediyey Washington?


Muuse Biixi
Muuse Biixi

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo shalay booqasho ku yimid dalkan Maraykanka ayaa khudbad ka jeediyey machadka Heritage Foundation xaruntiisa magaaladan Washington.

Khudbaddiisa ayuu kaga hadlay in Maraykanka iyo Somaliland ay yeeshaan xiriir dhow. Wuxuu sidoo kale soo hadal qaaday arrimaha Soomaaliya, wada-hadalladii horey u dhex-maray labada dhinac iyo mowqifka Somaliland.

Dhinaca kale, bannaan-baxyo iska soo horjeeda ayaa ka dhacay bannaanka xarunta Heritage ee magaalada Washington oo uu khudubaddu ka jeediyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi.

Banaanbaxyada ayaa waxaa dhigay dad taageeraya midnimada Soomaaliya iyo dad taageersan Somaliland.

Caasha Ibraahim Aadan ayaa khudbadda Muuse Biixi iyo dibad-baxyada ka wareysatay Ismaaciil Xuseen Farjar.

Muxuu Muuse Biixi uga hadlay khudbaddii uu ka jeediyey Washington?
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:24 0:00

XS
SM
MD
LG