Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qoondadii Haweenka ee Baarlamaanka oo aan la Xaqiijin


Baarlamaanka
Baarlamaanka

Guddi uu magacaabay Ra'iisulwasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo u xilsaarnaa xaqiijinta qoondada haweenka ayaa rajo xumo ka muujiyay in aan lagu guuleysan in la xaqiijiyo doorashada 30 boqolkiiba ee ay ahayd in haweenka Soomaaliyeed ay qoondo ahaan uga helaan baarlamaanka 11-aad ee doorashadiisu ay gabagabada mareyso.

Afhayeenka Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka Shariifo Caddow Axmed ayaa sheegtay in reero lahaa in ka badan 3 kursi ay iska diideen in ay dumarka wax kursi ah siiyaan.

Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warkan noo soo diray.

Warbixin: Qoondada Haweenka oo aan la xaqiijin
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:44 0:00

XS
SM
MD
LG