Dagaalka ka socda dalka Ukraine iyo cunaqabateynada ka dhashay ee la saaray Ruushka ayey u egtahay inay saameeyaan dhaqaalaha guud ahaan dunida. Dalalka saboolka ahna, xumadda saameyntaa weyba sii dareemeen, waayo waxa uu dagaalkan ku soo beegmay xilli aysan weli ka soo kabanin dhaawacii dhaqaale ee ka soo gaaray xanuunka COVID-19.
Somaliya waxaa qiima koror laga dareemayaa suuqyada oo maciishadii iyo shidaalkii ayaa kor u kacay.
Wariyaha VOAda Cabdicasiis Baroow ayaa warbixin uu arrintan ku eegayo Muqdisho ka soo diray.
Facebook Forum