Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Benzema oo Real Madrid u diray wareegga siddeedda, kana saaray PSG koobka kooxaha horyaallada Yurub


Kooxda Real Madrid ayaa xalay u soo gudubtay wareegga Siddeedda ee koobka kooxaha horyaallada Yurub ee Champions League, kadib markii ciyaar ka dhacay garoonka Santiago Bernabéu Stadium ay 3-1 ku dirtay kooxda PSG ee waddanka Faransiiska

Weeraryahanka Real Madrid Karim Benzema ayaa dhaliyay saddexda gool ee Madrid, halka goolka qura ee PSG uu dhaliyay Kylian Mbappé oo taageerayaasha caasimada Spain ee Madrid ay filayaa inuu kusoo biiro xilli ciyaareedka soo socdaa.

Wariyaha VOA-da Maxamuud Mascadde ayaa falanqeyntan ku eegaya kulankii xalay.

Benzema oo Real Madrid u diray wareegga siddeedda, kana saaray PSG koobka Yurub
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:16 0:00

XS
SM
MD
LG