Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maxaa la isku hayaa, yaase isku haya doorashada Garbahaarey?


Doorashada Jubaland
Doorashada Jubaland

Iyadoo siddeed maalmood oo kali ah ay ka harsan tahay jadwalka loo qabtay in doorashada xildhibaannada Aqalka Hoose lagu soo dhameeyo oo ah 15-ka bishan Maarso, ayaa waxaa inta badan deegaan doorashooyinka ay dhameystireen qaarna ay wali wadaan qabashada doorashooyinka xildhibaannada.

Deegaan doorashada qura ee aan wali wax doorasha ah laga qaban waa magaalada Garbahaarey oo ay yaallaan 16 kursi oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya. In doorasho lagu qabto magaalada ayay badi isku waafaqsan yihiin siyaasiyiinta gobolkaasi ka soo jeedda laakin waxaa la isku diidan yahay farsamada iyo maamulka doorashada magaalada ka dhaceysa.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey u geysay ciidamo magaalada, iyadoo loo sameeyey maamul aan hoos tagin kan Jubaland. Khilaafkan ayaa ah mid muddo ka dhex aloosnaa maamulka Jubbaland iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo siyaasiyiinta gobolkuna ay labada dhinac la kala safan yihiin.

Warbixin arrintaan ka hadleysa waxaa noo haya Maxamed Bashiir Cabdiraxmaan.

Maxaa la isku hayaa, yaase isku haya doorashada Garbahaarey?
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:28 0:00
XS
SM
MD
LG