Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa Sabtida maanta ah waxaa lagu qabtay doorashada 16 kursi oo deegaan doorashadoodu tahay magaaladaasi.
Waa markii ugu horreysay ee goob qura lagu doorto xildhibaano tiradaasi la eg tan iyo markii ay bilaabatay doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka Soomaaliya.
Warkan waxaa Boosaaso ka soo dirtay Faadumo Yaasiin Jaamac.