Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi aan la yeelannay Soomaali 30 sano ku nool dalka Ukraine


Madaxweynaha Ukraine oo khudbad u jeediyay baarlamaanka Yurub
Madaxweynaha Ukraine oo khudbad u jeediyay baarlamaanka Yurub

Madaxweynaha dalka Ukraine ayaa mar kale ugu baaqay madaxda 27-ka waddan ee ku jira Midowga Yurub in ay u oggolaadaan in uu dalkaasi xubin ka noqdo Midowga Yurub. Madxawyenaha Ukraine waxa uu maanta khudbad u jeediyey baarlamaanka Yurub.

Dhinaca kale dalkaasi waxaa ka sii socda dagaallada, iyadoo ciidamada Ruushku sheegeen inay ka gooyeen marinkii ay Ukraine u lahayd badda.

Magaalooyinka waddankaasi ayaa isku diyaarinaya maalmo adag in ay ka horreeyaan maadaama kolonyo ciidamada Ukraine ah ay ku sii jeedaan magaalooyinka waaweyn oo ay ku jirto caaismadda Kyiv.

Haddaba, waa sidee nolosha dalka Ukraine? saamayn intee la eg ayuu ilaa immika dagaalku ku yeeshay? Arrimahaasi iyo kuwa kale ayuu Xuseen Barre ka waraystay Axmed Saalah Shariif oo 30 sano ku nool dalkaasi Ukraine.

Halkan ka dhageyso wareysiga Axmed Saalax oo dhameystiran
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:04 0:00

XS
SM
MD
LG