Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Xudur: Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan


Maleeshiyada Al-Shabaab
Maleeshiyada Al-Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada dawladda Soomaaliya ay iska difaaceen weerar xalay uga yimid maleeshiyaad ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Ilo dhinaca amniga ah ayaa u sheegay idaacadda VOA in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay soo weerareen saldhig ay ciidmaada dalwaddu ku leeyihiin dhinaca galbeed ee magaalada Xudur wax yar ka dib saqdii dhexe.

Saddex ka tirsna maydka maleyshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegay in lagu arkay goobta dagaalku ka dhacay, hase yeeshee mas’uulyiinta amniga ee dalwdada waxay dhimashada maleeshiyaadka Al-Shabaab ee weerarkaas gaarsiinayaan ilaa toddoba.

Mas’uuliyiinta dawladda ayaa sidoo kale sheegay in saddex qori ay ciidamada ku qabsadeen dagaalkaasi.

XS
SM
MD
LG