Dowladda Ruushka ayaa waajahaysa cadaadis diblomaasiyadeed iyo mid dhaqaale oo ku aaddan duullankii dalkaasi ku qaaday Ukraine. Ciidamada Ukraine ayaa la sheegayaa in ay iska caabinayaan weerarka Ruushka. Warkii ugu dambeyay ee arrintaasi oo ay VOA wax ka qortay waxaa noos oo koobaya Jamaal Axmed Cismaan.
Haddaba, mas’uuliyiinta Soomaalida ee safaaradda dalka Belgium ayaa aaminsan in inta badan Soomaalidii ku xayirantay gudaha Ukraine ay fursad u heleen in ay u gudbaan dalalka deriska la ah Ukraine iyo wadamada midwaga Yurub. Xuseen Barre ayaa faahfaahinta warkan ka waraystay Cumar Maxamuud Wardheere oo ka tirsan safaaradda Soomaaliya ee Belgium.