Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Falanqeyn: Xayiraadda uu Mareykanku saaray siyaasiyiin Soomaali ah


Doorasho
Doorasho

Dowladda Mareykanka ayaa xayiraado ku soo rogtay siyaasiyiin Soomaali ah, ka dib markii mar kale dhammeystirka doorashada Soomaaliya ay dib u dhacday.

Anthony Blinken, Wasiirka Arrimaha Dibedda Maraykanka ayaa qoraal ku sheegay xayiraaddan in kastoo aan la shaacin magacyada dadka xayiraadda fiisaha dal ku galka ah lagu soo rogay.

Khubarada ka faalloota siyaasadda iyo doorashada ayaa sheegay in tallaabada Mareykanka uu qaaday ay tahay mid cadaadin doonta hogaamiyeyaasha Soomaalida ee doorashada maamulaya.

Haddaba, maxaa lagu macneyn karaa xayiraadda Maraykanka? Warbixintan waxaa Muqdisho ka soo diray Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.

Falanqeyn: Xayiraadda Mareykanka ee siyaasiyiinta dib u dhaca doorashada
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:48 0:00

XS
SM
MD
LG