Maanta waxaa ku eg wakhtii loo qabtay in lagu soo afmeero doorashada Soomaaliya, taasi ma dhicin oo wali waxaan soo idlaan doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka, iyado beesha caalamku oo uu Mareryknaku ugu horreeyo ay horey ugu gooddiyay in ay tallaabo ka qaadi doonaan cidda ay u arkaan inay ragaadineyso doorshada haddii lagu dhammeystiiri waayo 25-ka bisha Febraayo oo manta ku began.
Haddaba maxaa ragaadiyay doorashada Soomaaliya, maxaase go’aan ah oo la gudboon in caalamku uu Soomaaliya ka qaato? Su’aalahaasi waxaa warbixintan uga jawaabaya wariyaheenna Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle.
Facebook Forum