Doorashada kuraas dheeraad ah oo ka tirsan Aqalka Hoose ee Soomaaliya ayaa maanta ka dacday magaalada Kismaayo.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa shalay sheegay in la doortay in ka badan 160 kursi, waxaase uu ugu baaqay maamul goboleedyada inay ilaaliyaan ballanqaadkii ahaa in doorashada lagu soo af-jaro 25-ka bishan. Aadan Maxamed Salaad ayaa warbixintan inooga soo diray Kismaayo.