Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sheekh caan ah oo lagu dilay Kismaayo


Sheekh Cabdinasir Xaji Axmed.
Sheekh Cabdinasir Xaji Axmed.

Wararka ka imanaya magaalada Kismayao ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya,  maanta uu halkaasi ka dhacay  qarax khasaaro sababay.  

Wararka hordhaca ee idaacdada VOA ka heshay mas’uuliyiinta maamulka Jubaland ayaa sheegaya in qaraxa oo ahaa, mid lagu xiray baabuur uu la socday Sheekh cabdinaasir Xaaji Axmd oo ka mid ah culimada caanka ka ah Soomaaliya.

Mas’uuliyiinta magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyey in sheekhaasi uu ku dhintay qaraxaasi.

Geerida sheekha waxaa ka tacsiyeeyey madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni


XS
SM
MD
LG