Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Warbixin ku saabsan walaaca ganacsatada Islii iyo xirnaashaha ganacsiga Shiinaha


Islii
Islii

Ganacsatada Sooomaalida ee suuqa Islii ee magaalada Nairobi ayaa aad uga walaacsan xiriirkii Ganacsi ee ay la lahaayeen dalka China oo sanadkii sadexaad wali u xiran xayiraadda COVID19 oo ay dowladda Shiinuhu ay sanadkii 2020-kii ay u joojisay safarradii ganacsatada ay ku tagi jireen dalkaasi oo ay uga soo adeegan jireen halkaasoo uu kala dhaxeeyo xiriir ganacsi oo xooggan.

Ganacsatada Soomaalida ee Suuqa Islii ayaa hadda dalkaasi uga soo adeegta qaab Online ah, balse waxaa ay ganacsatadu sheegayaan in arrintaasi ay caqabad ku tahay ganacsigooda

Wariyaha VOA ee magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed ayaa warbixintan inoo haya.

Walaca ganacsatada Islii
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:04:23 0:00

XS
SM
MD
LG