Shirkadaha isgaarsiinta Somaliland ee Telesom iyo Somtel ayaa markii ugu horeysay ku heshiiyey in ay isku furaan si ay u wada hadli karaan dadka isticmaalla taleefanNada labada shirkadood.
Wasaaradda Isgaadhsiinta Somaliland ayaa VOA u sheegtay in heshiiskan uu ku hirgali doono muddo 40 cisho ah.
Haddaba Wariyaha VOA Khadar Maxamed Cakule ayaa arrintan ka wareystay wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland Dr. Cabdiweli Sheekh Abdullaahi Sufi.