Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dabaylo xoog badan oo ka dhacaya UK


Malaayiin reer Britain ah ayaa lagu boorriyey in baajiyaan safarro ay gali lahaayeen, isla markaana ay guryahooda ku ekaadaan, xilli ay jirto cabsi badan oo laga qabo dabeylo xoog baan iyo walxo hawada duulaya. Waa duufaantii labaad ee toddobaadkan dalkaas ka dhacda.

Duufaantan oo la siiyey magaca Eunice ayaa u eg inay si weyn u arbushi doonto, xaalado cimilo oo halis ahna abuuri doonto. Xawaaraha ay ku socoto ayaa kor u dhaafi doona 145 km/saacaddii, gaar ahaa meelaha furan ee xeebaha dalkaas, sida laga soo xigtay hay’adda saadaasha ee UK.

Guddigeeda Xaaladaha Degdegga ah ee dawladda ee COBRA ayaa u ballansan in uu qabto shir ku saabsan duufaanta maanta.

Goobo dhowr ah oo dalxiiska loogu talo galay, sida London Eye, Legoland, iyo Warwick Casle ayaa si kmg ah loo xirayaa.

Hawl-wadeenada tareenka Britain ayaa, iyaguna, dadka rakaabka ah ku boorriyey in Jimcaha ay socdaalka ka baaqsadaan.

Shirkadda duullimaadka ee British Airways ayaa ka digtay in dib u dhac ku imaanayo duullimaadyada gegiga Heathrow, dabeylaha xoogga badan ee jira dartood.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG