Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Yaa ku guuleystay doorashadii kuraasta Golaha Shacabka ee ka dhacay Kismaayo?


Saadiq Cabdullaahi Cabdi
Saadiq Cabdullaahi Cabdi

Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee Jubaland ayaa dib u bilaabay doorashada kuraasta Golaha Shacabka, waxaana maanta la doortay saddex kursi oo midkood uu ku guuleystay wasiirkii hore ee Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Saadiq Cabdullaahi Cabdi, kadib markii musharraxii kula tartamayay kursiga HOP092 oo ahaa Cabdullaahi Aadan Ibraahim uu tanaasulay.

Ergada doorashada kursigan ayaa si gacantaag ah ku ansixiyay Injineer Saadiq Cabdullaahi Cabdi, waxaana guddoomiyaha guddiga doorashada Jubaland Siyaad Maxamed Mursal uu shaaciyay inay ansax tahay natiijada rasmiga ah ee kursigan.

Nasra Mahdi Carraale ayaa iyana ku guuleysatay kursiga 023 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay Sahra Cabdi Cilmi oo ku jirtay loollanka doorashada kursigan.

Kursiga saddexaad ee 132 ee maanta isna la doortay waxaa ku guuleysatay Cadar Xareed Jilbiil oo iyana ay u tanaasushay Ifraax Cabdiqani Yuusuf.

XS
SM
MD
LG