Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne oo la dilay 


Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne Maxamed Xuseen Maxamuud (Duurdage) ayaa lagu dilay iska hor imaad maamta gudaha saldhigga Booliska ku dhexmaray ciidamada Booliska gaar ah ee Haramcad iyo ciidamo kale.

Taliyaha ayaa lagu dilay israsaaseyn kooban oo gudaha saldhigga ka dhacay xilli ay saldhiga ka buuxeen boqolaal dad oo lagu soo qabqabtay howlgal saaka ay ciidamadu ka sameeyayeen xaafadaha magaalada.

Xog dhab ah lagama haayo sababta keentay iska hormaadka ciidanka dhexmaray, xilli 20-ka bishan loo ballansan yahay doorashada lix kursi oo ka mid ah kuraasta taalla Baledweyne oo gudiga doorashada ay shaaciyeen.

Warbixintan waxaa Beledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane.

Taliyihii saldhigga Booliska Baledweyne oo la dilay
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:15 0:00

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG