Allah ha u naxariistee waxaa shalay magaalada Muqdisho ku geeriyooday Abwaan, Laxamiiste Cabdikariin Faarax Qaarey (Cabdikariin Jiir) oo si weyn loogu yaqaanay sameynta laxanka heesaha Soomaaliyeed.
Allah ha u naxariistee Cabdikariim Jiir, heesaha uu laxanka u sameeyay waxaa ka mid ah heesta Laaleys ee ay qaado Hiba Maxamed, heesta Beledweyn ee uu qaado Xasan Aden Samatar, nabi amaanka Ergadii furqaan ee kooxda Iftin, iyo kuwo kale oo badan.
Weli waxaa VOA-da soo gaaraya tacsida iyo ka falcelinta geeridiisa ee qaar ka mid ah fanaaniinta iyo abwaanada Soomaaliyeed, oo ay ka mid yihiin Abwaan Maxamed Aadan Dacar iyo fanaanadda Hiba Nuura.
Weriyayaasha VOA-da ee Muqdisho iyo Hargeysa, Khadar Maxamed Cakulle iyo Cabdicasiis Barrow ayaa warbixino ku saabsan tacsida Cabdikariim Jiir nooga soo diray Hargeysa iyo Muqdisho.
Wareysiga Hiba Nuur oo dhameystiran hoos ka dhageyso.