Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mulaxamiiste Cabdikariim Faarax Qaarey oo geeriyooday


Cabdikariim Jiir
Cabdikariim Jiir

Allah ha u naxariisto waxaa maanta magaalada Muqdisho ku geeriyooday mulaxan iyo abwaan Cabdikariim Faarax Qaarey (Cabdkariim Jiir) oo maalmahan ku xanuusanaa magaalada.

Cabdikariim Jiir wuxuu ka mid ah mulaxamiistayaasha ugu weyn Soomaalida, isaga oo laxanka saaray qaar ka mid ah heesaha ugu caansan Soomaalida, sida Beledweyne, Hooyo, Ergadii Furqaan iyo kuwa kale.

Geerida Cabdikariim Jiir ayaa waxaa ka tacsiyeeyey ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo qoraal uu soo saaray ku yiri “Allaha u naxariisto Mulaxinkii weynaa Cabdikariin Faarax Qaareey Jiir oo maanta geeriyooday. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskii uu ka baxay, bahda fanka iyo suugaanta iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed.”

“Cabdikariin Jiir waxa uu ka mid ahaa tiirarka fanka Soomaaliyeed, isagoo ahaa hal abuur leh hibo naadir ah, gaar ahaan dhanka laxan sameynta oo uu caan ku ahaa.”

Sidoo kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee, Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir).

Farmaajo ayaa xusay in Marxuum Cabdikariim Faarax Qaarey (Jiir) uu ahaa abwaan, mulaxamiiste iyo dhaqan yaqaan door weyn ka soo qaatay horumarinta fanka iyo suugaanta Soomaaliyeed, si kor loogu qaado wacyiga bulshadeenna, isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Iftin ee Wasaaradda Waxbarashada.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cabdikariim Faarax Jiir waxa uu dalkiisa iyo dadkiisa u soo adeegayey muddo dheer, gaar ahaan dhinacyada fanka, suugaanta iyo horumarinta dhaqanka Soomaaliyeed, waxa uuna ka soo shaqeeyey Wasaaradda Waxbarashada, Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska iyo Tiyaatarka Qaranka oo uu hadda ka ahaa Maareeye Ku-xigeen.”

Geerida Cabdkariim waxaa sidoo kale ka tacsiyeeyey madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed.

Xasan Sheekh ayaa yiri “Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa dhammaan qoyska, ehelada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuum Mulaxan Cabdikariin Faarax Jiir. Waxaan Alle uga baryayaa in uu naxariistiisa janno ka waraabiyo, annagana sabar iyo iimaan naga wada siiyo.”

Sheekh Shariif ayaa isna yiri “Waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu tacsiyaynayaa geeridii ku timid allaha u naxariistee Mulaxamiistihii iyo Abwaankii weynaa Cabdikariim Faarax Qaareey (Cabdikariim Jiir ) oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho, wuxuu ahaa mid ka mid ah Haldoorka fanka Qaranka.Si gaar ah waxaan ugu tacsiyaynayaa Hobolada Qaranka Waaberi iyo Qoyska marxuumka.”

Warbixintan waxaa Muqdisho kasoo diray Xasan Kaafi Qoyste>

Mulaxamiiste Cabdikariim Jiir oo geeriyooday
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:36 0:00

XS
SM
MD
LG