Dowlado badan oo caalamka ah ayaa ugu baaqay muwaadiniintooda inay isaga baxaan waddanka Ukraine, iyaga oo ku booriyay in maadaama ay dhici karto in xilli kasta uu dagaal ka bilowdo xuduudda uu dalkaas la wadaago Ruushka inay sida ugu habboon uga baxaan dalka.
Arrintan ayaa sidoo kale welwel ku abuurtay dalka u dhashay dalka Ukraine, inkasta oo si sidii caadiga aheyd ay weli u socdaan waxbarashada iyo adeegyada dowliga ah, hadana dowlada dalkaas ayaa ku howlan inay xakameyso waxyaabaha khalkhalka galin karaa muwaadiniinteeda.
Sahra Cabdi Axmed ayaa Khadka teleefoonka kula xariirtey Maxamuud Carab oo ah suxufi deggan magaalada Kyiv, waxeyna ugu horeyntii waydiisey sida uu yahay dareenka dadweynaha Ukraine, kadib hanjabaadaha quwadaha caalamka.