Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Ruushku xilli Kasta ayuu Duullaan qaadi karaa


Dowladda Maryakanka ayaa sheegtay in duullaan uu Ruushku ku qaado dalka Ukraine uu dhici karto xilli kasta. Madaxweyne Joe Biden ayaa ugu baaqay dadka Maraykanka ee jooga Ukraine inay sida ugu dhakhsiyaha badan dalkaasi uga baxaan.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa maranta sheegay in Russia ay ciidamo kale oo tiro badan geysay xadka Ukraine, wuxuuna ka digay in duullaanka Moscow uu dhici karo saacad kasta, xitaa inta lagu guda jiro Ciyaaraha Olimbikada xilliga qaboobaha ee ka soda Shiinaha.

Hadalkiisa wuxuu dhinac iska dhigayaa soo jeedinti aheyd in Moscow ay sugi doonto ilaa inta laga soo dhameynayo ciyaaraha Olimbikada Xilliga Qabowga ee hadda ka socda magaalada Beijing si ay uga baaqsato in ay ka careysiiso Shiinaha ooh adda xulafo la ah Ruushka.

Blinken wuxuu ku adkeystay in Mareykanka uu si xoog leh u doorbidayo in khilaafka kala dhaxeeya Ruushka lagu xalliyo dariiqa diblamaasiyadda.

Hadalka Blinken ayaa yimid xilli madaxweyne Joe Biden uu ku boorriyay dadka Mareykanka ah ee ku sugan Ukraine ay si deg deg ah uga baxaan halkaasi, taasoo ah calaamad kale oo muujineysa saan-saanta dagaal ay suurtagal tahay inuu ka dhaco Ukraine.

Biden ayaa hadalkaan ku sheegay wareysi uu siiyay TV-ga NBC ee dalkaan Mareykanka.

Sida ay sheegeen millatariga iyo sirdoonka Mareykanka, ciidanka xoogga Ruushka ayay suurtagaltahay in ay duullaan buuxa ku qaadaan Ukraine, isla markaana ay taangiyada Moscow ay muddo 48 saac gudahood ah ku gaari karaan caasimadda Kiev.

Dhanka kalana, faah-faahin ayaa kasoo baxeysa kulankii dhawaan Moscow ku dhexmaray madaxweynaha Faransiiska iyo dhiggiisa Russia.

Wararka ayaa sheegaya in madaxweyne Emmanuel Macron uu diiday codsi uga yimid Kremlin-ka oo ahaa inay ka qaadaan baaritaanka COVID-19 ka hor inta uusan la kulmin madaxeyne Vladimir Putin.

Ilo wareedyo ku dhaw dhaw madaxtooyada Faransiiska ayaa sheegay in sababaha ay u diideen baaritaanka COVID-19 ay tahay iyaga oo ka baqay in Ruushka uu qaato tijaabada DNA-ga ama hida-sidaha madaxweyne Macron.

Arrintaas ayaana keentay in labada madaxweyne ay isu jirsadeen masaafo dheer inti uu socday wadahadalki dheeraa ee ay todobaadkaan ku yeesheen xarunta madaxtooyada Ruushka ee Moscow.

Ruushka ayaa ka laabashada weerarka uu ku qaado Ukraine ku xiray, shuruuddo dhowr ah oo ay ku jiraan in reer Galbeedka ay joojiyaa isku fidintooda Bariga Yurub iyo in Ukraine aysan ku biirin NATO.

XS
SM
MD
LG