Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Nabaddoon caawa lagu dilay magaalada Beledweyne


Beledweyne

Allah ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Baladweyne lagu dilay Xuseen Coloow oo ka mid ahaa odayaasha dhaqanka Beledweyne.

Nabaddoonka ayaa lagu dilay xaafada uu daganaa ee Buundo Weyn ee Magaalada Beledweyne. Dad goobta ka dhawaa ayaa sheegay in dilka Nabadoonka ay fulisay koox bastoolado ku hubeysnaa, kuwaas oo dilka kadib goobta iskaga baxsaday.

Dilkan caawa ayaa imaanaya xili maanta magaalada Beledweyne ay kulan kuwada qaateen qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka Baledweyne iyo madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe.

War kasoo baxay madaxtooyada HirShabeelle kadib kulankaas ayaa lagu sheegay in madaxweynaha iyo odayaasha dhaqanka “ay heshiis rasmi ah ka gaareen tabashadii iyo diidmadii ay ka qabeen maamulka, iyagoona ku balamay in maanta wixii ka dambeeyo laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka Dowladnimada. “

Madaxweyne Guudlaawe ayaa gaaray Beledweyne Axaddii kadib muddo ay magaalada Beledweyne ka jirto diidmo ay qaar ka mid ah dadka deegaanka iyo ciidamo hubeysan ka qabeen inuu yimaado.

Magaalada Beledweyne ayaa ka mid ah deegaan doorashada HirShabeelle, waxaana la filayaa in lagu qabto doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Soomaaliya.

Facebook Forum

XS
SM
MD
LG