Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirkadaha isgaarsiinta Somaliland oo heshiis gaaray


Heshiiska shirkadaha isgaarsiinta Somaliland
Heshiiska shirkadaha isgaarsiinta Somaliland

Heshiis ay si wada jir ah u saxeexeen madaxda ugu sarraysa shirkadaha isgaadhsiinta ee kala ah Telesom, Somacable iyo Somtel iyo xukuumadda Somaliland ayaa maanta laga bilaabo dhaqan galaya.

Heshiiskan ayey shirkadaha si ay wada jir ugu maalgalinayaan adeeg Internet xawaarihiisu sarreeyo oo wada gaadha guud ahaan deegaanada Somaliland.

Heshiiskan oo ah kii ugu horreeyay ee noociisa ah ee ay si wada jir ah u wadaagayaan dawladda iyo ganacsatada ayaa la filayaa inuu wax wayn ka taro baahida Internet-ka ee halkaasi ka jirta.

Wasiirka horumarinta isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland Dr. Cabdiwali Sheekh Cabdilaahi Suufi Jibriil, ayaa VOA da u sheegay in marka heshiiskani dhaqan galo ay Somaliland rajaynayso inay noqoto goobta gobolka geeska Africa looga sii qaado Interne-tka dhulka hoostiisa mara.

Sahra Ciidle Nuur ayaa khadka telefoonka ka ee magaalada Hargeysa kula xidhiidhay.

Shirkadaha isgaarsiinta Somaliland oo heshiis gaaray
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:14 0:00


XS
SM
MD
LG