Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne


Guudaalwe
Guudaalwe

Madaxweynaha maamulka HirShabeelle Cali Guudlaawe ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen ku xigeenkii Yuusuf Dabageed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulkiisa.

Wararka ayaa intaas ku daraya in dhowr madfac ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha kahor inta aanu madaxweyne Guudlaawe kasoo degin, waxaana ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan kuwa dowladda lagu daadiyay waddooyinka magaalada, xilli laga cabsi qabo isku dhac hubeysan.

Kooxda la baxday Kacdoonka Hiiraan ee diiddan imaatinka Guudlaawe ayaa ku sugan meel ka baxsan magaalada.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa lagu wadaa inuu daahfuro doorashada xubnaha Golaha Shacabka ee kuraastoodu ay taal magaalada Beledweyne.

Waxaa warbixintan Beledweyne kasoo diray Xuseen Xasan Dhaqane

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo gaaray magaalada Beledweyne
please wait

No media source currently available

0:00 0:03:42 0:00


XS
SM
MD
LG