Boqollaal qof ayaa Sabtidi shalay ka qeybgalay bannaanbax ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, kaas oo lagu dalbanayo in caddaaladda la horkeeno askari ka tiirsan booliska oo lagu eedeeyay dilka nin ka mid ahaa bushada madow ee Mareykanka.
Haddaba, bannaanbaxaan iyo sababaha keenay dilka ayaa wariyaha VOA-da ee gobolka Minnesota Maxmuud Mascadde uu ka wareystay, Amin Harun oo ah garyaqaan ka howlgala magaalada Minneapolis.