Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wareysi: Hooyo Soomaaliyeed oo baadi-goob ugu jirta wiilkeeda oo ka tahriibay Istanbul


Sidii aad ku dhageysteen idaacaddii fiidnimo ee xalay waxaa la xaqiijiyay geerida labo qof oo Soomaali ah oo kamid noqday muhaajiriin gaaraya 19 qof oo dowladdu Turkigu ay sheegtay in maalmihii lasoo dhaafay ay meydadkooda ka heshay xadka ay la wadaagto dalka Giriigga.

Turkiga ayaa sheegay in Ilaalada xadka giriiga ay si qasab ah muhaajiriinta ugu soo celiyaan xadka turkiga xilligan oo qabow daran uu jiro.

Dhanka kalana waxaa jira waalidiin Soomaaliyeed oo mudooyinkan danbe baadi-goobaya caruurtooda oo aaney ku hayn nolol iyo geeri toona markii ugu wardambeysayna ay ka tahriibeen magaalada Istanbul iyagoo kusii jeeda dalka Giriiga.Hooyo Soomaaliyeed oo ku sugan deegaanka bacaad-weyn ee duleedka Gaalkacyo ayaa lasoo xiriirtay VOA-da, waxaana ay u warantay wariyaha VOA-da ee Europe, Ridwaan Xaaji Cabdiwali.

Wareysi: Hooyo Soomaaliyeed oo baadigoob ugu jirta wiilkeeda
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:10 0:00


Facebook Forum

XS
SM
MD
LG