MUQDISHO —
Bilihii lasoo dhaafay qiimaha shidaalka dunida aad ayuu u kordhay, dhaqaale-yahankuna waxay ku tilmaamayeen inuu sabab u yahay COVOD-19, oo xayiraaddiisii dowlado badan oo dhaqaale xumi dareemay, kuwaas oo hadda ay kordhinaya wax-soosaarkooda.
Soomaaliya oo dib ugasoo baxeysa colaadihii dheeraa ee ka jiray ayaa kamid ah meelaha qiimaha kordhay ee shidaalka laga dareemayo.
Caasimadda Muqdisho oo ku jirta dib u kabasho xoog leh, dad badan ayaa ka cabanaya, kana baqdin qaba in haddii uu qiimaha shidaalku uu kor u sii socdo ay iska dhigaya gaadiidkooda, halka dhaqaale-yahankuna u arkaan in dowladda looga baahanyahay in sicirka shidaalka iyo maciishaddaba ay xal u hesho, sida uu warbixintan ku eegayo weriyaha VOA-da Cabdicasiis Barrow.