Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dadaal Soomaaliya looga hirgelinayo caymiska xoolaha oo socda


Hay’adaha deeq biyeyaasha ee fadhigoodu uu yahay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa bilaabay dadaallo ay Soomaaliya uga caawinayaan sidii looga hirgellin lahaa Caymiska Xoolaha.

Arrintan ayay deeq biyeyaashu uga gol leeyihiin sidii loo yareyn lahaa dhibaatooyinka ka dhasha abaaraha kusoo noqnoqda Soomaaliya ee ay inta badan la kulmaan dadka xoolo dhaqatada ah ee Soomaaliya.

Haddaba Dr. Cabdirazmaan Barre Dubad oo ka mid ah dadka ka shaqaynaya barnaamijka oo ay taageerayaan hay’addo kala duwan oo ay kamid tahay Bangiga adduunka (World Bank) ayaa faah-faahinta waxa uu uga warramay wariyaheena magaalada Nairobi Khadar Maxamuud Xareed.

Dadaal Soomaaliya looga hirgelinayo caymiska xoolaha oo socda
please wait

No media source currently available

0:00 0:06:54 0:00


XS
SM
MD
LG