BOOSAASO —
Taliyihii hore ee Kontroolka magaaladaas Kabtan Barkhad Maxamed Jaamac Guduudane, ayaa maanta lagu dilay xili uu marayey agagaarka suuqa wayn ee magaalada Boosaaso.
Dilkan ayaa imaanaya iyadoo ay mudooyinkan ay magaalada ka nasatay dilal qorsheysan oo lala beegsan sarakiisha dowladda iyo qaar ka mid ah shacabka magaalada.
Wariyaha VOA-da Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan kasoo soo dirtay Boosaaso.