HARGEYSA —
Guddoomiyaha Xisbiga UCID Feysal Cali Waraabe ayaa ku eedeeyey Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi inaanu diyaar u ahayn inuu ku qabto doorashada madaxtooyada wakhtigii logu talo-agalay.
Laakiin Xisbiga Kulmiye oo u jawaabay Guddoomiye Faysal ayaa iyagu sheegay in doorashadu wakhtigeeda ku dhici doonto.
Guddoomiye Faysal ayaa geesta kale soo dhaweeyey hadalkii ay xukuumaddu ku sheegtay inay joojin doonto wadalhadalada Somaliland iyo dowladda federaalka Soomaaliya.
Warkan waxaa Hargeysa kasoo diray Khadar Maxamed Cakule.