BALCAD —
Ugu yaraan lix qof ayaa ku dhintay Qarax maanta ka dhacay degaanka Qalimow oo u dhow degmada Balcad ee Gobalka Shabellaha dhexe.
Qaraxan oo la aaminsan yahay in uu ahaa miino goobta lagu sii diyaariyay waxa dadka dhintay ku jira seddex qof oo rayid ah iyo seddex askari, sida ay VOA u sheegeen ilo-wareedyo amni.
Weriyaha VOA Xuseen Xasan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray Beledweyne.