Maalmihii u dambeyay waxaa mar kale soo xoogeysanayay khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku sugan Muqdisho ee ku aadan doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya uga mid noqonaya.
Waxaa ilaa iyo shalay warbaahinta iyo baraha bulshada heystay hadallo ay jeedinayeen xubno siyaasiyiin iyo odayaal dhaqameed isugu jira oo gobollada waqooyi ka soo jeeda, kuwaasi oo qaarna eedeeyay Ra’isul Wasaare Rooble, kuwa kalena ay difaacayeen sida Ra’isul Wasaaraha ku wado doorashada.
Hadaba, maxuu khilaafka siyaasiyiinta gobolada waqooyi soo kala dhex galay uga dhigan yahay doorashada Soomaaliya ee waqtiga kama dambeysta ah loo qabtay?
Wariyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan ka diyaariyay.