Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah oo ka jirta dowlad deegaanka Soomaalida


Warbixin ay soo saartay hay'adda USAID ayay ku sheegtay in abaarata ka jirta deegaanka soomaalida ay tahay tii ugu darneyd muddo 40 sano ah, iyadoo intaas ku dartay in abaarta darteed ay dadku iyaga oo arkaya xoolahoodu u baaba’ayaan biyo iyo baad la'aan.

Dhanka kale xafiiska maraaynta khataraha masiibooyinka dowlad deegaanka Soomaalida ayaa u diray 36 degmo oo kamid ah deegaanka gargaar dhan 20 kun oo kiintaal oo raashinka noocyadiisa kala duwan ah kaasoo ay sheegtay in ay ka faa'idaysan doonaan in kabadan 60 kun oo qoys oo ah dadka ay abaartu saamaysay.

Warbixintan waxaa Jigjiga kasoo diray Maxamed Cabdiraxmaan Gaataa.

Abaartii ugu darneyd muddo 40 sano ah oo ka jirta DDS
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:13 0:00


XS
SM
MD
LG