Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Haweenka iyo Qoyska: Kaalinta dumarka ee dajinta xiisadda siyaasadeed ee dalka.


Waxaa inta badan soo noq noqda is qab qabsiga siyaasiyiinta soomaalida ee isku haya hoggaanka dalka, waxaana mararka qaar dhacda in ay talaabooyinkooda ay khal khal galiyaan xasiloonida shacabka ku dhaqan dalka, gaar ahaan caasimadda Muqdisho.

Dumar badan ayaa qaba in haweenka iyo carruurta ay yihiin kuwa ay saameynta ugu badan ku yeelato haddii uu dhaco khilaaf wata gacan ka hadal, haddana ay yar tahay awoodda ay ku qaboojin karaan xiisadda siyaasadda ee dalkooda. Haddaba Waa maxay kaalinta ay dumarku ka qaadan karaan dajinta xiisadda siyaasadeed ee dalkooda. Waa qodobka aanu ku eegeyno barnaamijka haweenka iyo qoyska ee toddobaadkan.

Waxaa barnaamijka diyaariyay soona jeedineysa Caasho Ibrahim Aden (Caashocuud)

Haweenka iyo Qoyska: Kaalinta dumarka ee dajinta xiisadda siyaasadeed ee dalka.
please wait

No media source currently available

0:00 0:09:08 0:00


XS
SM
MD
LG