Generaal Abuukar Xaaji Warsame Xuud oo Hogaamiyaha Gole la magac Kacdoonka Gobolka Hiiraan-ayaa aqbalay inuu magaalada Muqadisho tago si loo sii wado wadahadalo lagu xalinayo khilaafka u dhexeeya isaga iyo maamulka HirShabelle.
Jeneraal Xuud ayaa la filayaa inuu heshiis la gaaro madaxda dowladda federaalka, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto in doorashada Golaha Shacabka lagu qabto magaalada Beledweyne.
Wariyaha VOA-da Xuseen Xassan Dhaqane ayaa warbixintan ka soo diray Beledweyne.